1098 Views

Diyaaraddii (flight number ahaa TK686) oo uu saarnaa Fahad Yaasiin oo dib ugu laabatay Turkiga

Diyaaraddii (flight number ahaa TK686) oo uu saarnaa Fahad Yaasiin  oo dib ugu laabatay Turkiga
____________________________________________________________________________

Jimco: September 17, 2021

Wararka ka imaanaya jabuuti ayaa sheegaya ku dhawaad 10  saac kadib ay dib ugu laabatay dalka Turkiga dayaaraddii (flight number TK686) oo uu saarnaa Fahad Yaasiin xaaji daahir oo ku eedaysay Dilka Ikraan tahliil

Wararka ayaa sheegaya in loo sheegay rakaabkii Diyaarada in ay dib ugu laabanayso Istanbul oo aanay tageyn Muqdisho maanta..

Dayaaradda oo ilaa hadda 8 saacadood ka badan joogta garoonka Djibouti ayaanay ilaa hadda kala caddeyn in Muqdisho u ambabaxi doonto iyo in ay Istanbul ku laaban doonto.

Sdoo kale arintaan ayaa soo baxday  kadib markii  goor dhaw ay Villa Soomaaliya ku eedeysay dowladda Djibouti in ay si sharci darro ah u xirtay Fahad Yaasiin.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post