1038 Views

Ku-xigeenka Safiirka Joogtada Ruushka ee QM oo ka Digay xaalada amaan ee Somaaliya iyo Guulaha Alshabaab

Ku-xigeenka Safiirka Joogtada Ruushka ee QM oo ka Digay xaalada amaan ee Somaaliya iyo Guulaha Alshabaab
____________________________________________________________________________


Khamiis : September 30, 2021

Ku-xigeenka Safiirka Joogtada Ruushka ee QM haweeyneeda lagu magacaabo Anna Yevstineva ayaa ka hor sheegtay fadhigii arbacada ee Golaha amaanka Qm inay ka digayaa in xaalada amni ee Somalia ay ka sii dari karto hadii ay Al shabaab xoojiyaan weerarada ay ka geesanayan dalka inta lagu guda jiro doorashooyinka.

Anna Yevstineva ayaa shaaca ka qaaday in Xoghayaha guud ee Qm iyo Midowga Africa ay la yimaadaan soo jeedimo qeexaya in aysan kasii darin xaaladi amni ee Somalia, waxay hadalkeedi sii raacisay in 4M oo qof ay wajahayaan xalad bini aadanimo oo u daran lona baahan yahay in gargaar deg deg ah lala garo.

Wakaalada wararka ee Taas ayaa sheegtay in Dowladda Ruushka ay uga digtay QM iyo Midowga africa inay kasii darto xaalada amni ee Somalia marka loo eego todobaaydi lasoo dhaafay oo weeraradu ay kordhiyeen kooxda Al shabab.

KNN

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post