1101 Views

Guddiga gurmadka deg-dega ah ee Soomaaliya oo maanta Muqdisho looga dhawaaqay.

Guddiga gurmadka deg-dega ah ee Soomaaliya oo maanta Muqdisho looga dhawaaqay.
____________________________________________________________________________


Talaado: December 21, 2021

Guddiga gurmadka degdegga ah oo ka kooban Ganacsatada, Culimada iyo Rugta ganacsiga ayaa maanta lagu daah furay magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga, ahna Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud Telecom, Axmed Maxamuud Yuusuf ayaa sheegay in ujeeddada loo aasaasay guddigaan ay tahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen abaaraha baahsan ee ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada soomaaliya, kuwaas oo galaaftay Dad iyo duunyo.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Nuur oo ah Gudoomiye Ku xIgeenka Dahabshil Group ahna xubin kamid ah Guddiga ayaa faahfaahiyey waajibaadka saaran gudiga & in kaalmo degdeg ah lala gaaro dadka ay abaarahu ku habsadeen kana baab’iyeen dalagyadii ay beerteen & xoolihii ay dhaqanayeen.

Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga iyo warshedaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdullaahi  Aaden Galaanbi, ahna guddoomiye ku xigeynka guddiga ayaa ku baaqay in ay ganacsata Soomaaliyeed door lixaad leh ka qaataan gurmadka loo fidinayo umadda soomaaliyeed.

Sheekh bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed xubinna ka ah ahna Gudoomiye Ku xigeenka Gudiga ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gargaarka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Guddigaan ayaa waxa ay shaqadoodu noqon doontaa howlaha gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee soomaaliya.

Office Nairiobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post