1053 Views

Duullimaadkii u horeeyey oo caalami ah oo Khamiistii ka baxay Kabul

Duullimaadkii u horeeyey oo caalami ah oo Khamiistii ka baxay Kabul
____________________________________________________________________________

Jimco: September 10, 2021

Duullimaadkii ugu horreeyey ee caalami ah ee intii la dhisay xukuumadda cusub ee Taliban ee dalka Afghanistan ayaa Khamistii shalay ka duushay magaalada Kabul. Dayuuraddan ayaa sidday dad ka badan 100 qof oo ajnabi ah, kuwaas oo ay ku jiraan qaar haysta jinsiyadda Maraykanka oo laga yimid intii ay socotay daad guryentii isku dhex yaaca ahayd ee bishii hore.


Duullimaadkan ayaa calaamad u ahaa tallaabo weyn oo horay loo qaaday, xilli ay Taliban dadaal ugu jirto inay sameyso dawlad shaqeynaya, ka dib markii ay awoodda dalka la wareegeen bishii hore. Sidaas oo ay tahay, waxaa jira warar isa soo taraya oo la xiriira gacan ka hadal lagala hortagayo dumarka, ajaanibta iyo war-fidiyeenka oo ay geysanayaan xubnaha ururku.


Ergeyga Gaarka ah ee QM ee Afghanistan Deborah Lyons ayaa Golaha Ammaana u sheegtay in ururada aan dawliga ahayn ee taageera dumarka la bar-tilmaameedsaday, xuquuqdii dumarka la xaddiday, shaqaalihii QM ee Afghanistan ka hawl-galayeyna la hagar daameeyey, ciriirina la galiyey.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post