678 Views

Weerar kale oo ka dhacay lamu & Al-Shabaab oo sheegtay

Weerar kale oo ka dhacay lamu & Al-Shabaab oo sheegtay
____________________________________________________________________________

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuiyadda weerar xalay ka dhacay gobolka xeebta ah ee Lamu, waxayna sheegeen inay weerarkaasi ku dileen laba qof.

Weerarkaasi waxaa sidoo kale tebiyey telefishinka Citizen ee dalka Kenya. Telefiishinka Citizen waxa uu soo tebiyey oo kale in weerarku ka dhacay degaanka Kibaoni.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Al-Shabaab taageerta, weerarku waxa uu ka dhacay degaannada Wito iyo Salaama.

Booliiska Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkan u dambeeyey ee ka dhacay gobolka Lamu xalay.

Hase yeeshee booliiska Kenya waxay ka hadleen weerar ka dhacay Lamu Jimcihii oo ay ku dhinteen afar ka tirsan ciidamada booliiska sida ay qoreen wargaysyada The Star iyo The Standard.

Booliisku waxay qireen in baabur uu leeyahay ciidanka booliiska oo ilaalo ku jiray lagu qaaday weerar gaadmo ah. Warbaahinta Kenya waxay tebiyeen in baabuurkaas lala helay baasuuke.

Weerarrada ka dhacay gudaha dalka Kenya ee loo tirinayo ururka Al-Shabab ayaa sannadkan gudihiisa gaaraya afar weerar.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post