828 Views

Sheekh Maxamed Idiris oo qalqalka ku yimid Dalka ku eedeeyey Madaxweynaha watigiisa dhamaaday Farmaajo.

Sheekh Maxamed Idiris oo qalqalka ku yimid Dalka ku eedeeyey Madaxweynaha watigiisa dhamaaday  Farmaajo.
____________________________________________________________________________

February 24 /2/ 2021 

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed  ee sida aadka ah u taageeri jiray Nabad iyo Nolol ayaa eedayn Culus u Jeediyay haatan Farmaajo.

Sheekha oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa ka hadlay rabshadihii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo wax kasta oo dhacay eedeyntooda dusha ka saaray dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo oo markii hore uu taageero weyn u ahaa.

Sheekh Maxamed Idiris waxa uu qabaa in mudaharaadku uu qatar ku yihiin amniga caasimadda, “Waxaa fiican intii laga fogaan karo wax kasta oo isku dhac keeni kara oo mudaharadyadu ka mid yihiin in laga fogaado,” ayuu yiri.

“ waxan qabaa in banaanbaxa la Fasaxo si loo waayo Wax banaanbaxa dad ra’yigooda cabiraya, in la sii daayo waxaaba laga yaabaan in kheyr ugu jiro oo dadka u soo baxa la waayo banaanbaxa ay ku baaqeen musharaxiinta”ayuu yiri  Idiris.

Sidoo kale Sheekha ayaa sheegay in wax kasta oo mas’uuliyad darro ah oo maanta dalka ka dhacaya uu dusha ka saarayo dowladda uu hoggaamiyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, isagoo ku eedeeyey in doorasho aysan qaban, heshiisna keenin, waqti kalena aysan codsan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post