897 Views

Qaramada Midoobay oo digniin kasoo saartay xaalada libya

Qaramada Midoobay oo digniin kasoo saartay xaalada libya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 09  2020–Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa golaha ammaanka uga digay in xaaladda Libya ay galeyso waji cusub oo ah faraagelinta shisheeye ee dalkaas ay gaari karto heer aan horey loo arag.

Libya ayaa xasilooni la’aan aheyd tan iyo 2011 markaas oo kacdoon NATO taageereyso xukunka looga tuurey hogaamiyihii dalkaas ka aramin jirey mudada dheer ee Mucamar Gaddafi.

Tan iyo  2014, dalkan shidaalka qaniga ku ah waxaa uu u kala qeybsanaa xukuumadada caalamku aqoonsan yahay iyo maleeshiyaadka uu ku hogaamiyo Khalifa Haftar oo maamula magaalada Benghazi iyo bariga dalkaas.

Haftar ayaa taageero ka heysta Imaaraadka, Masar iyo Russia halkas dowladda Libya ay taageeraan Turkiga.

“Colaadda dalka waxaa ay yeelanaysaa waji cusub  oo faragelinta shisheeyaha ah taas oo maraysay heer aan horey loo arag, gaar ahaan hubka culus ee dalkaas lagu daabuleyo iyo maleeshiyaad calooshood u shaqeystiyaal ah oo dibadda laga soo waaridayo,” ayuu Guterres Arbacadii sheegay.

Shirkad amni oo Russia laga leeyahay oo lagu magacaabo Wagner Group ayaa dalka Libya geysay  ku dhowaad 1,200 oo maleeshiyo kuwaas oo taageereya Xaftar, sidaas waxaa lagu sheegay warbixin qarsoodi ah oo ay diyaariyeen guddi khubaro ah oo QM u xil saartay la socodka xayiraadda hubka ee  dalka Libya.

Guddigaas ayaa sidoo kale, waxaa uu ogaaday in daraasiin diyaarado dagaal oo Russia leedahay ka howlgaleen bariga Libya bilihii August 2018 ilaa  August 2019, kuwaas oo si la aaminsan yahay in ay leedahay shirkadda Wagner Group.

Sidoo kale, khubadaran ka socota QM ayaa sheegay in 122 maleeshiyo oo ay leedahay shirkadda WAGNER ku sugan yihiin dalkaas. Danjiraha Russia ee QM Vassily Nebenzia ayaa diiday eedeha loo soo jeediyay dowladiisa ee ku aadan faragelinta Libya.

Wasiiru dowladaha arrimaha dibadda Imaaraadka , Anwar Gargash, ayaa golaha u sheegay in qiyaastii 10,000 oo maleeshiyaad calooshood u shaqeystiyaal ahi ka howlgalaan dalka Libya, tiro kale oo kuwaas ku labo jibaarantana joogeen 6 bil ka hor.

Guterres ayaa dhaleeceeyay sida xaalku Libya maanta yahay xilli uu ka qeybgalay shirka golaha ammaanka oo lagu qabtay hanaanka fogaan aragga ah, isagoo si gaar ah walaac ugu muujiyay faragelinta militiri ee ka socota agagaarka magaaladda Sirte, iyo wadddada weyn ee xiriirisa magaalooyinka Tripoli oo dhacda galbeedka iyo Benghazi oo bariga dalkaas ku taala.

Masar ayaa Turkiga uga digtay in ciidankeeda haddii ay weeraraan Sirte in ay faragelin toos ah ku sameyn doonaan gudaha Libya.

Xoghaye Guterres ayaa sheegay bilihii April iyo June ee sanadkan howlgalka QM uu soo diiwaangeliyay dhimashada ugu yeraan 102 qof oo shacab ah iyo 254 dhaawaca ah, taas oo ah in 172% ay korortay khasaaraha shacabka marka loo barbardhigo affartii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2020.

Waxaa uu intaas ku daray in 21 weerar loo geystay xarumaha caafimaadka, gaadiidka gurmadka deg deg ag ee Ambulances iyo shaqaalaha caafimaadka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post