1947 Views

Kenya Oo Ka Walaacsan Ammaanka Gobolka Xeebta Ee Dalkaas

Kenya Oo Ka Walaacsan Ammaanka Gobolka Xeebta Ee Dalkaas
____________________________________________________________________________

Lamo | QOL | Disembar 02, 2017 –Saraakiil ka tirsan Laamaha Ammaanka ee Dalka Kenya ayaa sheegay in ay sii xumaaneyso xaaladda Amni deegaano hoos yimaada Magaalada Lamu ee Gobalka Xeebta, halkaas oo ay Al Shabaab ka fuliyaan weeraro xoogan.

Guddi ka socday Laamaha Ammaanka ee Kenya ayaa war ay ka soo saareen xaaladda Lamu waxa ay ku sheegeen in ay noqotay goobo ay Al Shabaab ku bartilmaameedsadaan Ciidamada Booliska iyo dadka Rayidka ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in loo baahan yahay in deegaanadaasi la geeyo Ciidamo gaar ah oo Roondooyin ku sameeyo deegaanada Nyongoro, Maisha, Lango la Simba, and Milihoi,si loo yareeyo weerarada Al Shabaab.

Madaxa Amniga ee Lamu Gilbert Kitiyo ayaa sheegay in halkaasi dhawaan lagu bartilmaameed saday 6 Gaari oo Basas ah iyo Ciidamo ka tirsan Kenya oo ku sii jeeday dhinaca Magaalo Xeebeedka Mombasa.

Bishii julay ee sanadkan ayaa Milihoi Al Shabaab waxa ay ka qafaasheen sarkaalad ka tirsan dolwadda Kenya oo markii dambe uu geeriyootay dhaawac soo gaaray

Saraakiisha Amniga ee Lamu ayaa soo jeediyay in la dardar geliyo dhismaha darbiga Xadka Kenya iyo Soomaaliya, taas oo ay tilmaameen in ay hoos u dhigi karto weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan gudaha Dalkaasi.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | L amo

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment