783 Views

Madaxweynaha maamulka Puntland oo kulan la qaatay laamaha Amniga

Madaxweynaha maamulka Puntland oo kulan la qaatay laamaha Amniga
____________________________________________________________________________

Talaado: November 23, 2021

 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan dhiirrigelin ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland kula qaatay deegaanka dalxiiska ee Ceel-haare oo ka tirsan degmada Qardho.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland, ayaa ka kala yimid Gobollada Puntland, waxaana ay ka qeyb galeen munaasaddii tababarka loogu soo xiray dufcadii 4-aad ee Ciidamada Booliska ee la tababaray, kuwaasi oo laga keenay dhammaan Gobollada Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyay Saraakiisha shaqada wanaagsan ee ay hayaan, wuxuuna faray in lasii laba jibaaro dadaalkooda iyo ka shaqeynta Amniga oo uu ugu horeeyo la dagaalanka maandooriyaha .

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha, Taliyaha Ciidamada Booliska, Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland oo gobollada isaga yimi iyo maamulka Gobolka Karkaar iyo kan Degmada Qardho.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post