1137 Views

Wasiir Fiqi “Mar kasta uu RW Rooble hadlo waxaa hadalkiisa mid khilaafsan ka daba dhaha Xundubey

Wasiir Fiqi “Mar kasta uu RW Rooble hadlo waxaa hadalkiisa mid khilaafsan ka daba dhaha Xundubey
____________________________________________________________________________

April 27-2021

Wasiirka amniga Galmudug ahna Xildhibaan kla tirsan baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday ayaa u jawaabay Wasiirka amniga Xundubey, waxa uuna eeda dusha ka saaray Fiqi waxa ka dhacaya Muqdisho in  uu Mas’uul ka yahay asaga iyo kuwa jooga Villa Somaliya.

Hoos ka aqriso warkii Fiqi uu soo dhigay Bartiifa Facebook

Mar kasta ee uu RW Rooble hadlo waxaa hadalkiisa mid khilaafsan ka daba dhaha wasiirkiisa amniga Xundubey..

Shalay Rooble wuxuu ku dhawaaqay xabbad joojin, maantana Xundubey wuxuu iclaamiyey dagaal. Waa yaabe sidee loo kala sareeyaa xukuumadan!?

Saaxiibkay Xundubay wax baa la bililiqeystay ayaa ahayd xujadiisa ugu weyn ee uu dagaalka ku xalaalsanayo, laakin miyuusan ogeyn bililiqo ka weyn kursigii dalka looga talinayey oo Xoog lagu heysto in aysan jirin..

Asagoo kursi bililiqo ah difaacaya inuu cid kale ku eedeeyo wax bay bililiqeysatay ma ahayn, bililiqada kaliya ee dagaal in lagu qaado mudan waa midda ka jirta Villa Soomaaliya.


Office Nairobi Kenya

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post