1074 Views

Booliska Suudaan oo kala eryay dad dibadbaxyo ka dhigayay Khartuum

Booliska Suudaan oo kala eryay dad dibadbaxyo ka dhigayay Khartuum
____________________________________________________________________________

Axad: January 9, 2022

Ciidamada ammaanka ee Suudaan ayaa sunta dadka ka ilimeysiisa ku kala eryay dad banaanbaxyo ka dhigayay magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Kooxaha ku biiray dibadbaxyada maanta ka dhacay Suudaan waxaa ku biiray guddiga ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta kuwaas oo sheegay inay ka careysan yihiin saameynta ka dhalatay afgembigii militeri ee bishii Oktoobar ka dhacay dalkaas.

Toddobaadkii hore, Abdalla Hamdok ayaa iska casilay xilka Ra’iisul wasaaraha iyadoo weli uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya milateriga iyo kuwa u ololeeya dimuqraadiyadda.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan, Volker Perthes, ayaa ugu baaqay labada dhinac inay yeeshaan wadahadallo wax ku ool ah oo xiisadda lagu dejinayo.

Balse baaqaas waxaa ku gacan seyray ururada shaqaalaha ee mucaaradka iyo fallaagada ku sugan gobolka Darfur.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post