696 Views

Howlgal laga sameeyay Xaafado ka tirsan Muqdisho

Howlgal laga sameeyay Xaafado ka tirsan Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 23da Maarso, 2021Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir oo ay ka dhaceen falal amni darro.

Howlgalka ayaa waxaa ay Ciidamada sigaar ah uga sameeyeen Xaafada Taleex & xaafadaha ku teedsan wadada Shaqaalaha ee degmada Hodan, kadib markii dhowr habeen ay Kooxo Burcad ah dadka talefoonada uga qaadanayeen.

Ciidamada ayaa mararka qaar waxaa ay galayaan guraha, iyaga oo baadi goobayay kooxo bartimaameed ah oo dadka xilliyada habeenkii dhac u geysta, halka wadooyinka iyo xaafadihii dhaca dadka loogu geystay howlgalka laga fuliyay.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Hodan oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalalda ay sii socon doonaan ilaa amniga laga xaqiijinayo lagana hortagayo Kooxaha dhaca geysta.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir kusoo batay kooxo hubeysan oo qaarkood wata Mooto Bajaaj, kuwaas oo dadka Shacabka ah dhac u geysanaya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post