1401 Views

Guddiga Doorashada Koofur Galbeed Oo muddo kordhin sameynaya

Guddiga Doorashada Koofur Galbeed Oo muddo kordhin sameynaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 14, 2018 —Guddiga doorashada ee Madaxtinimada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ilaa Caawa ay muddo kordhin ku sameeyaan waqtiga doorashada ay dhaceyso.

Xubno ka mid ah Guddiga doorashada Koofur Galbeed oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in ugu yaraan 10 Cisho lagu darayo waqtiga doorashada islamarkaana la filayo in doorashada ay qabsoonto 27ka Bishan.

Waqtigii hore ee doorashada ayaa ah 17ka Bishan oo ay ka harsan tahay saddex Cisho oo kali ah,waxaana Guddiga u dhiman howlo badan oo ay ka mid tahay diiwaangelinta Musharrixiinta qaar.

Sidoo kale waxaa u dhiman Jadwalka doorashada oo dib u dejin lagu sameeyo,maaddaama khilaafkii kala dhexgalay Guddiga iyo is casilaaddii Shariif Xasan sababtay in waqti badan ka dayacmo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment