627 Views

Milkiilaha baraha bulshada oo ku hanjabay in uu Yurub ka xiri doono Facebook iyo Instagram kadib xogta ay xadaan sirdoonka dalalkaas

Milkiilaha baraha bulshada oo  ku hanjabay in uu Yurub ka xiri doono Facebook iyo Instagram kadib xogta ay xadaan sirdoonka dalalkaas
____________________________________________________________________________

isniin: February 7, 2022

Mark Zuckerberg ayaa ku hanjabay in uu Yurub ka xiri doono Facebook iyo Instagram marka la eego muran la xiriira ilaalinta xogta ay la leeyihiin gobolka .

Meta ayaa soo saartay diginin iyadoo sheegeysa in ay dhici karto in ay xirto adeegyadaas haddii Yurub aanay oggolaan in ay raacdo sharciyada ilaalinta xogta iyo xog isweydaarsiga .

Taas ayaa macnaheedu yahay in xogta dadka ee gaarka ah laga soo waarido adeegyo xafidan oo yaalla Yurub halkaas oo si aad ah loogu maamulo sharciyo ka shaqeeya Mareykanka .

Meta ayaa sheegtay in shirkadda ay u dhowdahay in ay joojiso in ay bixiso wax soo saarkeeda ugu muhiimsan iyo adeegyadeeda, haddii aan sharciyada shirkaddu ku duusho la hirgalin.

Meta ayaa sheegtay in qeybinta xogaha u dhaxeeeya dalalka iyo gobolada ay tahay mid culus si loo biixyo adeeeg.

Maxkamad ku taalla Yurub ayaa hor istaagtay in sidaas ay sameyso sirkadda sanadkii 2020kii wa in la ilaaliyaa xogta isticmaalayaasha adeegyadan ee Yurub lagana ilaaliyo in xogtooda la wadaago ama la iibsado iyagoo aan ogeyn.

Iyadoo sidaas ay Meta digniin ku bixisay hadana afhayeen u hadlay ayaa yiri ‘’ Ma dooneyno ujeedkeenana ma aha mana jiro qorshe ah in aan ka guurno Yurub laakiin waxaa xaqiiqo ah in Meta, ganacsiyo kale ,ururo kale iyo adeegyo kale ay ku tiirsan yihiin isweydaarsiiga xogta ee u dhaxeysa Yurub iyo Mareykanka si ay caalamka ugu qabtaan adeeg wanaagsan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post