933 Views

La-taliyeyaasha madaxweynaha Ruushka iyo Mareykanka oo wada hadal khadka taleefanka ah yeeshay

La-taliyeyaasha madaxweynaha Ruushka iyo Mareykanka oo wada hadal khadka taleefanka ah yeeshay
____________________________________________________________________________

Talaado: December 21, 2021

La-taliyaha arrimaha dibadda ee madaxweynaha Ruushka Yury Ushakov iyo la taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa ka wada hadlay soo jeedintii dhawaan Ruushka ee dammaanad qaadka amniga Ruushka, sida uu saxaafadda u sheegay Dmitry Peskov oo u hadlay Moscow.

Labada masuul ayaa isku raacay in la sii wado wadahadalka si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

Bishii la soo dhaafay, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ugu baaqay NATO inay bilaabaan wadahadalo ujeedadoodu tahay in Ruushka la siiyo dammaanad amni oo la isku halleyn karo si sharci ahna loo fulinayo, iyo dammaanad amni oo mustaqbalka fog ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post