1428 Views

Xilli-Kordhin Loo Sameeyey Hawlgalka Tababarayaasha Milliteri Ee Midowga Europe Ka Jooga Somalia

Xilli-Kordhin Loo Sameeyey Hawlgalka Tababarayaasha Milliteri Ee Midowga Europe Ka Jooga Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 20, 2018 –Hadal-qoraal oo ka soo baxay EU-da ayaa lagu sheegay in Hawlgalka lagu tababarayo Ciiddanka DFS sii socon doono ilaa bisha December 31-da ee sanadka 2020-ka.

Waxaa kaloo Hawlgalka Tababarka EU-da ee ciiddanka DFS oo loo yaqaano EU Millitary Training Mission (EUMT in Somalia) loo ansixiyey miisaaniyad dhan € 22.9 million oo EURO, taasi oo ah kharajka ay ku hawl-geli doonaan laga bilaabo 1-da bisha Janaayo ee sanadka 2019-ka ilaa 31-ka bisha December ee sanadka 2020-ka.

Dhinaca kale, in ka badan 200 Tababarayaal Milliteri oo ka kala socda dalalka Midowga Europe ayaa xilligan ka hawl-gala gudaha Somalia, kuwaasi oo Tababara Ciiddanka DFS.

Hawlgalka EUTM waxay Tababarkaasi bixin jireen tan iyo sanadkii 2010-kii, iyagoo tababaray Kumanaan ka tirsan Ciiddanka Dowladda

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment