909 Views

-Dowladda Soomaaliya oo wada qorsho dib loogu furaayo Safaarado

-Dowladda Soomaaliya oo wada qorsho dib loogu furaayo Safaarado
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 04, -2019 —Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad qorshaha dowaldda Soomaaliya ee ku aadan in Soomaaliya ay dib u furato safaaradihii ay ku lahaayeen wadamada Caalamka.

 

Wasiir Cawad waxaa uu sheegay In Dowladda Soomaaliya ay wado qorshahaas dib loogu soo celinayo xiriirkii wanaagsanaa ay Soomaali la laheyd dalal badan oo Caalamka,taasina ay ku imaan karto in safaaradaha dib loo furo.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in qorshahaas uu bilaaw u ahaa furitaankii dhawaan Safaarada ay Soomaaliya ku leedahay Mareykanka sidoo kalena ay wadaan qorsho ah in dhamaan la furo safaaradaha ay Soomaaliya ku laheyd Caalamka.

 

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay 30 sano kadib dowladda Mareykanka oo safaaradii ay ku laheyd muqdisho,waxaana uu sharaxayaa nuhiimada ay Soomaaliya u leedahay furitaankii safaarada Mareykanka uu ku lahaa Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment