750 Views

Ciidanka Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan G/Mudug

Ciidanka Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan G/Mudug
____________________________________________________________________________

  

Talaado: April 19, 2022

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa DANAB qeybta 6-aad ee Guutada 16-aad waxay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo dhaca Koofur Gobolka Mudug ee Galmudug.

Howlgalka oo ahaa mid balaaran, waxay ciidamada ka sameeyeen deegaano ay kaga sugnaayeen Al-shabaab Koofurta Gobolka Mudug oo kala ah

waxay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo dhaca koofurta Gobolka Mudug waxaana kamid ah, Qaraarow, kalaxiran, Goryaale, Dhuumaale,  Caad, Gabdhaale, Waable, Xawal Xasan Cadde, Hareeri Dheere iyo  Gaade kuwaas oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Mudug.

Saraakiishii Ciidanka Xoogga hoggaamineysay ee DANAB ayaa sheegay inay guud ahaan deeganadaas ay ka saareyn Al-shabaab islamarkaana ay iyaguna gacantooda ku jirto, sidoo kale

Waxay sheegeen iney  burburiyeen Saldhigyadoodii ay ku sugnaayeen Ururka Al-shabaab.

Ugu dambeyn waxay tilmaameyn inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab, maadama ay sheegeen in dhibaato ay ku hayaan shacabka deegaanada ay maamulaan ku sugan.

Office Nairobi Kenya



_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post