3543 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Degmada Hodan ka furay Xafiiska Diiwaangelinta Gaadiidka iyo Ganaaxyada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Degmada Hodan ka furay Xafiiska Diiwaangelinta Gaadiidka iyo Ganaaxyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 05 Luuliyo 2018 – Dawladda hoose ee Muqdisho ayaa bilawday diiwaangelinta gaadiidka kala ee dadwynaha ee ka dhex shaqeeya magaalada, kuwaasoo isugu jira noocyada kala duwan ee gaadiidka dadweynaha sida BL-ka iyo Bajaajta.

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskii ugu horeeyey ee lagu diiwaangelinayo Gaadiidka Dadweynaha ka furay degmada Hodan, isagoo sheegay in ilaa shan degmo oo ka tirsan Caasimadda laga hirgelin doono barnaamijkan.

“Maanta waxaan degmada Hodan ka furaynaa xafiiskii ugu horeeyey ee lagu diiwaangelinayo gaadiidka Bajaajta iyo BL-ka, ujeedada diiwaangelintan ka dambaysaana waa si ay cashuurta dawladda hoose sare ugu kacdo oo ay u kobocdo, si waxqabad loogu sameeyo, ujeedada labaadna waa in amniga lagu sugo, tani waa bilow waxaana diiwaangelintu gaari doontaa ilaa shan degmo inta kalana waa xigi doonaan.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in hawsha lagu tiro-koobayo gaadiidka dadweynaha ee isticmaala waddooyinka Caasimadda ay muhiim u tahay amniga iyo horumarka magaalada, isagoo ugu baaqay gaadiidleyda in kaalintooda ay ka qaataan, iskana diiwaangeliyaan degmooyinkooda, si xaaladdooda loola socdo mar walba maadaama ay bulshada u adeegayaan.

“Inagoo ka duulayna siyaasadda aan u dajinay gaadiidka waxaan go’aansanay in tiro-koobka loogu horraysiiyo gaadiidka dadweynaha, kuwa gaarka loo leeyahayna waanu tiro-koobi doonaa insha allah, habka aanu wax ku tiro koobaynaana waa hannaan awood inoo siinaya in wax walba ay maraan dariiq cad oo lagu wada xisaabtamayo.”Ayuu raaciyey Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan.

Munaasabadda xariga looga jarayay Xafiiska Diiwaangelinta Gaadiidka dadweynaha ee BL iyo Bajaajta ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Degmada Hodan Mudane Maxamed Axmed Cantoobo iyo masuuliyiin ka tirsan waaxda gaadiidka Gobolka Banaadir.

xafiiska-diiwangelinta-gaadiidka-1 xafiiska-diiwangelinta-gaadiidka-2 xafiiska-diiwangelinta-gaadiidka-3 xafiiska-diiwangelinta-gaadiidka-4

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment