1197 Views

Sanbaloolshe “ Xaalka sidii hore waa ka fiican yahay Farmaajo waa miirsaday hadii 2 Sano loo diiday

Sanbaloolshe  “ Xaalka sidii hore waa ka fiican yahay  Farmaajo waa miirsaday hadii 2 Sano loo diiday
____________________________________________________________________________

May 9, 2021

Taliyihii hore ee Nabadsugida Qaranka ahna  Siyaasi mucaarad ku ah Dowlada waqtigeeda dhamaaday Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa ka hadlay xaalada Somaliya.

Waxa uu sheegay in  in xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay yeelatay weji cusub, isla-markaana ay sidii hore aad uga wanaagsan tahay, maadaama la hor istaagay iskudaygii afganbi ee farmaajo 2 Sano looga hor istaagay..

Sidoo kale Sanbaloolshe oo hore usoo noqday taliyihii hay’adda NISA ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, isaga oo tilmaamay in Farmaajo uu rabo inuu Rooble ku baabi’iyo xubnaha mucaaradka.

Sanbaloolshe  ayaa sheegay in farmaajo raba in uu ku kala jabiyo Rooble mucaaradka oo uu shaki ka muujiyay in loo adeegsan rabo Rooble Mucaaradka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post