1086 Views

Booliska Somaliland oo Gacanta ku dhigay Khamri farabadan

Booliska Somaliland oo Gacanta ku dhigay Khamri farabadan
____________________________________________________________________________

Ciidamada Booliska Soomaliland ayaa howlgallo kala duwan oo ay sameeyeen ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Khamri farabadan oo Gaari lagu waday iyo Shaqsi ka Ganacsanayay.
Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay sigar ah uga fuliyeen Aaga xaduudka degaanka faraweyne ee Gobolka Maroodi-jeex, waxaana saraakiisha Booliska ay sheegeen in Khamriga uu ka kooban yahay  675 litir oo dhalooyin kujira.

Sarkaal u hadlay Taliska Ciidamada Booliska Soomaliland ayaa sheegay in Khamrigan ay Ciidamada qabteen lagu qiimayay in lagu soo iibiyay lacag dhan 24.000 oo Dollar, isla markaana Ciidamada ay ka hortageen, iyada oo gaari lagu waday.
Sidoo kale Sarkaalka waxaa uu sheegay in degaannada Soomaliland lagu soo qaaday dagal, sida diita, Dhaqanka iyo dadnimada, waxaana uu ugu baaqay in dadweynaha ku nool degaannada Soomaliland inay kacaan.
Ciidamada Booliska Soomaliland ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay howlgallo kala duwan ay ka sameeyeen degaannada maamulkaas kusoo qabteen khamri farabadna iyo dad ka Ganacsanayay, kuwaas oo qaarkood la xukumay

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post