1221 Views

Dhaqaalo intee dhan Mareykanka kaga baxay dagaalka afganistaan 20 sano kadib

Dhaqaalo intee dhan Mareykanka kaga baxay dagaalka afganistaan 20 sano kadib
____________________________________________________________________________

 Talaado: July 6, 2021

Ciidamada Mareykanka ayaa isaga baxay saldhigga Bagram ee dhaca waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Kabul, waxay tallaabadan imaaneysaa xilli Washington ay soo afjarayso howlgalkii ay ka waday Afghanistan inkasta oo aanan la gaarin wakhtiga kama dambeysta ah ee ka bixitaanka ciidamada.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu doonayaa in ciidamada dalkiisa ay Afghanistan kasoo baxaan ugu dambeyn 11-ka bisha September ee sanadkan.

Halkan waxaan ku eegeynaa inta uu dhan yahay dhaqaalaha Mareykanka ka baxay tan iyo markii uu bilowday dagaalka Afghanistan.

Inta ay gaarsiisan yihiin ciidamada Mareykanka uu u diray Afghanistan?

Ku dhawaad 650 kamid ah ciidamada Mareykanka ayaa lagu wadaa in Afghanistan ay sii joogaan si ay u sugaan amniga diblumaasiyiinta kaga sugan dalkaas, kadib marka uu ciidamadiisa kala soo baxo halkaas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.

 

Mareykanka wuxuu ku duulay Afghanistaan bishii Oktoobar sanadkii 2001 si meesha uu uga saaro ururka Taliban oo gabbaad siinayay hoggaamiyihii Al-Qaacidda Usama Bin Laden iyo hoggaamiyeyaal kale oo lala xiriiriyay weerarkii 9/11.

Wixii xilligaas ka dambeeyay, Mareykanka ciidamo dheeraad ah ayuu u dirayay Afghanistaan, wuxuuna balaayiin dollar ku bixiyay dagaalka ka dhanka ah Taliban iyo dib u dhiska dalkaas.

Sanadkii lasoo dhaafay, 4,000 oo ciidamo ah ayaa Mareykanka kaga sugnaa halkaas balse January sanadkan waxay tiradaas gaartay 2,500.

Mareykanka waxaa sidoo kale Afghanistan ka joogay tiro kamid ah shirkado qandaraas lagu siiyay arrimaha amniga oo ku sugan saldhigyada ciidamada. Dabayaaqadiii sanadkii 2020 in ka badan 7,800 qof oo Amerikaan ah ayaa ku sugnaa dalkaas, sida lagu xusay daraasad uu sameeyay Koongareeska.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warrantay in inta badan shakhsiyaadka ka tirsan shirkadaha qandaraaska la siiyay ee ku sugan Afghanistan laga soo saari doono halkaas.

Markii ciidamada Mareykanka ay joojiyeen howgalka ka dhanka ah Taliban oo ay usoo jeesteen tababarka ciidamada Afghanistan, waxaa uu hoos dhacay kharashkii ku bixi jiray.

Intii u dhexeeysay 2010 ilaa 2012, Mareykanka ciidamadiisa kaga sugnaa Afghanistan waxay gaarayeen in ka badan 100,000, xilliggaaas oo dhaqaalaha ku baxayay uu gaaray 100 bilyan oo dollar sanadkiiba, sida ay sheegtay dowladda Mareykanka.

Sanadkii 2018, dhaqaalaha ku baxay howlgalka uu ka waday Afghanistan wuxuu hoos ugu dhacay 45 bilyan oo dollar, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Pentagon-ka Mareykanka.

Sida laga soo xigtay waaxda gaashaandhigga Mareykanka, guud ahaan dhaqaalaha ku baxay Afghanistan laga bilaabo bishii Oktoobar 2001 ilaa September 2019 wuxuu gaaraya $778 bilyan oo dollar.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka iyo hay’adda USAID iyo laamaha kale ee dowladda waxay mashaariicda dib u dhiska dalkaas ku bixiyeen $44 bilyan oo dollar.

Sida laga soo xigtay daraasad sanadkii 2019 ay sameysay jaamacadda Brown University oo si dhaw ula socotay dhaqaalaha ku baxay howlgallada Afghanistan iyo Pakistan, waxaa Mareykanka ka baxay dhaqaale dhan 978 bilyan oo dollar.

Dhaqaalahaas intee lagu bixiyay?

Inta badan dhaqaalahaas wuxuu ku baxay howlgallada ka dhanka ah Taliban iyo haqabtirka baahida ciidamada Mareykanka sida cunta, dareeska, caafimaadka iyo mushaaraadka.

Ka hor inta aysan ciidamada Mareykanka ka bixin saldhigga ciidamada cirka ee Bagram ee Afghanistan, taliska dhexe ee Mareykanka wuxuu sheegay in la burburiyay ku dhawaad 16,000 qalab ah oo yaallay saldhigga.

 

Xogta rasmiga ah waxay muujineysaa tan iyo sanadkii 2002, in Mareykanka uu mashaariicda dib u dhiska dalkaas ku isticmaalay 143.27 bilyan oo dollar.

In ka badan kala bar 88.32 bilyan oo dollar ayaa loo isticmaalay maalgelinta ciidamada amniga iyo militeriga Afghanistan.

Ku dhawaad 36 bilyan oo dollar ayaa loo adeegsaday barnaamijyada maamulka iyo horumarinta halka dhaqaale yar loo qoondeeyay la dagaalanka daroogada iyo arrimaha gargaarka

 

Warbixin uu soo saaray Koongareeska Mareykanka bishii Oktoobar 2020 ayaa lagu sheegay in waaxda qaabilsan la socodka howlaha gargaarka Afghanistan ay soo gudbisay in ku dhawaad $19 bilayn oo dollar la lunsaday intii u dhexeeysay 2009 ilaa 2019.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka

Tan iyo markii uu dagaalka ka bilowday Afghanistan 2001, ciidamada Mareykanka waxaa ka dhintay in ka badan 2,300 sakari halka uu dhawaac soo gaaray ku dhawaad 20,660 oo askari.Sidoo kale waxaa dagaalka ku dhintay qaar badan oo kamid ah shacabka iyo ciidamada Afghanistan.

Madaxweyne Ashraf Gahni wuxuu sanadkii 2019 sheegay in ka badan 45,000 oo kamid ah ciidamada Afghanistan la dilay tan iyo intii uu xilka qabtay.

Daraasadda ay sameysay jaamacadda Brown University sanadkii 2019, ayaa muujinaysa in tirada ciidamada Afghanistan ee ku dhimatay tan iyo markii uu bilowday dagaalka ay gaarayaan in ka badan 64,100.

 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post