273 Views

Milkiilaha Shirkada Twitter-ka oo qaaday xayiraadii saarneed Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump

Milkiilaha Shirkada  Twitter-ka oo  qaaday xayiraadii saarneed Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump
____________________________________________________________________________

Axad:NOVEMBER 20, 2022

‘Dadku way hadleen’ ayuu yiri mulkiilaha Twitter-ka, isagoo qiray intii lagu guda jiray ra’yi ururinta in ‘bots’ ay si toos ah u codaynayeen.

Barta Twitter-ka ayaa xayiraadii ka qaadeysa Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, kadib markii codbixin socotey muddo yar oo uu sameeyey mulkiilaha cusub ee Twitterka Elon Musk ay muujisey in dib loo soo celiyo Donald Trump, kaas oo laga mamnuucay adeegga warbaahinta bulshada wixii ka dambeeyay 6 Janaayo 2021 kadib rabshadihii ka dhacay Washindonton.

Ra’ayi ururin uu sameeyey Elon Musk in ka yar 15 milyan oo cod ayaa la tiriyey codbixintii 51.8% ay ku taageereen in dib loo soo celiyo.

“Dadku way hadleen. Trump dib ayaa loo soo celin doonaa,” Musk ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray. Intii lagu guda jiray ra’yiururinta, Musk wuxuu qiray in tirooyinka cod bixinta ay saameeyaan “bots” oo aan ahayn dad, wuxuuna soo jeediyay inay jirto baahi loo qabo “nadiifinta” codbixinta Twitter ay saameyn ku yeesheen Bots.

Trump ayaa sheegay in uusan jeclayn inuu ku soo laabto Twitter-ka. “Ma arko wax sabab ah oo aan ugu laabto” ayuu yiri Trump mar uu ka hadlaayey shirka sannadlaha ah ee Isbahaysiga Yuhuudda ee Xisbiga Jamhuuriga.

Waxa uu sheegay in uu sii isiticmaali doono barnaamijkiisa cusub ee Truth Social, app-ka uu sameeyay Trump Media & Technology Group (TMTG).

Twitter-ka ayaa qaatay go’aan aan caadi ahayn ee lagu mamnuucayo Trump kadib weerarkii 6-dii Janaayo lagu qaaday Aqalka Capitol ee Mareykanka, waxaana maamulka Twitter-ka ee xiligaas sheegeen in qoraaladiisu ay abuureen rabshado dad ku dhinteen.

Trump ayaa Talaadadii la soo dhaafey bilaabay dadaal uu ku doonayo in uu dib ugu hanto Aqalka Cad sanadka 2024-ka, waxaana uu ammaanay Elon Musk oo uu sheegay in uu waligiis jeclaa.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post