1905 Views

Itoobiya oo shaacisay xilligga dalkeeda Visa La’aan la galayo

Itoobiya oo shaacisay xilligga dalkeeda Visa La’aan la galayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Oktoobar 28 2018 —Dowladda Itoobiya waxa ay ku dhawaaqday in muwaadiniinta Africa kasoo jeeda ay dalkaas gali karaan fiiso la’aan.

Waxa ay shaacisay in 9-ka bisha November ee sanadkan dhammaan dadyowga Afrikanka ah ee booqanaya Itoobiya aan laga dooneynin wax fiiso ah ay bannaanka ka soo qaatan.

Madaxweynihii Itoobiya ee xilka ka degay ayaa horay u sheegay in dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqayso in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabi doono howlaha isku socodka dalalka Geeska Afrika.

Dr Mulatu Teshome  Madaxweynihii hore ee Itoobiyaoo Baarlamaanka dalkaasi u jeediyay Khudbada sanadlaha, Waxaa uu sheegay dowladda Itoobiya ay doonayso in ay  hirgeliso go’aankii sanadkii 2011-ka ee ahaa Visa La’aan in lasoo galo Itoobiya.

Dadka waddamada Afrika ka yimaadda waxay hadda ka hor fiisaha dal ku galka ay ka qaadan jireen safaaradaha Itoobiya ay ku leedahay oo waddamadooda.

Midowga Afrikana wuxuu dajiyey iney waddamada qaaraddana Afrika muwaaddiniinta u dhashay dal Afrikaan ah ay Fiisaha dal ku galka ay weydiin karaan oo keli ah ilaa iyo 2023-ka, wixi xilligaa ka dambeeyana muwaaddiniinta waddamada qaaraddu Fiisa la’aan ay waddankey doonaan ku soo geli karaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment