228 Views

Madaxweynaha Ukraine oo ku booriyay wadamada Reer Galbeedka inay ku soo rogaan dowladda Ruushka cunaqabatayn dheeri ah

Madaxweynaha Ukraine oo  ku booriyay wadamada Reer Galbeedka inay ku soo rogaan dowladda Ruushka cunaqabatayn dheeri ah
____________________________________________________________________________

arbaco: OCTOBER 12, 2022

Madaxweynaha Ukraine, VolodymyrZelensky, ayaa ku booriyay wadamada Reer Galbeedka inay ku soo rogaan dowladda Ruushka cunaqabatayn dheeri ah, si ay fal celin ugu noqoto “mowjado argagaxa oo cusub”oo soo wajahay dalkiisa, kadib weeraradii Isniintii dhacay.

Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhintay, tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii gantaalada Ruushka lagu garaacay gobolo ka tirsan dalka Ukraine.

Kadib markii shaqooyin badan uu hakad ku yimid talaadadii, Zelensky waxa uu ka dalbadey Reer Galbeedka inaay raadiyaan habab cusub, oo ay cadaadis siyaasadeed ku saarayaan Ruushka, ayna ku taageeraan Ukraine.

Dalabkan ayaa yimid ka dib markii ay kulmeen madaxda ku bahoobay kooxda G7, ee wada-hadallada degdegga ahaa maalintii Talaadadii.

Ururkan, ayaa ka kooban dalalka Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK iyo US, iyagoo ballan qaaday inay sii wadi doonaan taageerada “dhaqaale, bini’aadantinimo, ciidan, tan diblomaasiyadeed iyo midda sharci” ee ay u fidiyaan dalka Ukraine,”ilaa inta ay dib u hananayso dowladani qeybaha kala duwan ee dalkeeda”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post