642 Views

Midowga Musharrixiinta oo dalbaday in Farmaajo deg deg uga baxo Villa Somalia

Midowga Musharrixiinta oo dalbaday in Farmaajo  deg deg uga baxo Villa Somalia
____________________________________________________________________________

Xubnaha Midowga Musharrixiinta ayaa sheegay inay cambaareeynayaan iskuday afgembi oo ay sheegeen in uu Farmaajo shalay ku kacay ,isla markaana uu ahaa qayaano Qaran oo la doonayay in lagu dumiyo Hay’adaha Dastuuriga ah laguna carqaladeeynayo doorashooyinka.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharrixiinta ayaa waxaa sidoo kale ku sheegeen in Maxamad C/laahi Farmaajo uu isku deyey in uu ciidan ku qabsado hay’ado madani ah oo dastuuri ah, iyaga oo dalbaday in  baaritaan lagu sameeyo, dacwadna lagu soo oogo Farmaajo iyo intii kale ee ku gacansiisay afganbiga.

Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Ray’salwasaare Maxamad Xuseen Rooble oo si geesinimo leh uga horyimid afganbiga una muujiyay shacabka Soomaaliyeed in dalku doorasho aado, Farmaajana dibadda ka istaago hawlahaas.

” Goluhu wuxuu ka codsanayaa Golaha Wadatashiga Qaran in ay deg-deg u saxaan tabashooyinka habraacyada doorshada oo

ay doorashada soo dedejiyaan, waxaan sidoo kale ugu baaqeeynaa shacabka Soomaaliyeed in ay difaacaan dastuurka, iyo dawladnimada, garabna siyaan Ray’salwasaaraha, kana hortagaan isku day kasta oo lagu duminaayo hay’adaha dastuuriga ee

dalkaayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Midowga Musharrixiinta.

Ugu dambeyn Golaha Midowga Musharrixiinta ayaa ka dalbaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo in uu si degdeg ah u banneeyo Villa Somalia sida ugu dhaqsaha badan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post