1290 Views

Dhagayso:-Dowladda Soomaaliya Oo Dacwad Ka Gudbisay Markab Si Sharcidarro Ah U Kalluumeystay

Dhagayso:-Dowladda Soomaaliya Oo Dacwad Ka Gudbisay Markab Si Sharcidarro Ah U Kalluumeystay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 18, 2019 –Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Bidhaan Warsame in Badda Soomaaliya ay ku jiraan Kheyraad farabadan,hayeeshee ay jiraan maraakiib shisheeye oo si sharcidaro ah uga kalluumeysto.

Waxa uu sheegay  in Xukuumadda Soomaaliya ay dadaal u galeyso Maraakiibta Shisheeye e sida sharcidarada ah uga kaluumeysanayo Badda Soomaaliya,halka xilliyadii hore ay jiri jireen Burcad Badeed Maraakiibta afduuban jirtay.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in uu jiro Markab si sharcadaro ah uga kalluumeystay Xeebaha Soomaaliya balse ay dacwad ka gudbiyeen,sidoo kalena marnaba aan la ogolaan doonin in Baddeena lagu soo xadgudbo.

Si kastab dowladda Soomaaliya ayaa dabayaaqaadii bishii December sanadkii tegay ee 2018 waxaa ay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha siisay 32 ruqsadood shati Kalluumeysi ah,taa soo dad badan ay dhaliil ka keeneen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment