510 Views

Maxay QM ka tiri doorashadii uu kusoo baxay Xasan Sheekh Maxamuud?

Maxay QM ka tiri doorashadii uu kusoo baxay Xasan Sheekh Maxamuud?
____________________________________________________________________________

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu hambalyeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doorashada loo doortay madaxwaynihii tobnaad ee Soomaaliya, iyada oo rajaysay in ay kala shaqeeyaan isaga iyo kooxdiisa si loo horumariyo arrimaha mudnaanta qaranka leh, sida nabadda, amniga iyo xasilloonida, sanadaha soo socda.

Sidoo kale QM  ayaa bogaadisay Madaxweynaha xilka kasii dagaya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ sida uu u ixtiraamay dhaqanka Soomaaliyeed ee ah in uu si deg deg ah u aqbalo natiijada doorashada, isla markaana uu u ballan qaado in uu garab istaagi doono Madaxweynaha bedelaya. Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxa ay ku ammaantay guddoomiyeyaasha baarlamaanka Soomaaliya iyo ku-xigeennadooda, guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha iyo hawl-wadeennada xirfadlayaasha ah ee baarlamaanka, iyo sidoo kale ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee (ATMIS), sida ay u xaqiijiyeen in doorashadii Axadda ay u dhacdo si habsami leh, nabad iyo ammaan ah, taas oo natiijadeeda si buuxda loo aqbalay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post