249 Views

Q.Midoobe Oo Balanqaad inay Deg deg ku Gaarayso Deegaanada Laga Xoreeyay Alshabaab

Q.Midoobe Oo Balanqaad inay Deg deg ku Gaarayso Deegaanada Laga Xoreeyay Alshabaab
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 19, 2023

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenk Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kulan la qaatay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr Adem Abdelmoula.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ergeyga Q.M. kala hadlay xiriirka dowladda Soomaaliya kala dhexeeya hay’daha kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo waxyaabaha hortabinta u leh Xukuumadda Dan Qaran.

Mr. Adem Abdelmoula ayaa dhankiisa ballanqaaday in Q.M. ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto xasilinta deegaannada dhawaan laga xoreeyey khawaariijta, si loo xaqiijiyo in dadweynaha Soomaaliyeed ay ka soo kabtaan dhibaatada ka soo gaartey kooxaha argagixisada ah ee nolosha iyo horumarka u diidey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post