432 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Saraakiisha Ciidamada ku amray xoojinta Amniga Beledwayne

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Saraakiisha Ciidamada ku amray xoojinta Amniga Beledwayne
____________________________________________________________________________

Axad: February 20, 2022

 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo ka hadlay qarixii shalay  ka dhacay Beledwayne ayaa tacsi u diray qoysaska qaraada dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

“Waxaan Alle uga baryayaa Masuuliyiintii iyo shacabkii ku geeriyootay qaraxii argagixiso in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta ku dhaawacantayna uu Eebbe u boogo dhayo” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Cali Guudlaawe ayaa amray Hay’addaha Amniga ku amray xoojiyaan amaanka Magaalooyinka Beledwayne iyo Jowhar oo ay ka socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

Booliiska Beledwayne ayaa sheegay in 13 oo isugu jira Musharixiin u taagnaa Doorashada Golaha Shacabka, Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah ay ku geeriyoodeen qaraxaasi, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post