588 Views

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha oo Maanta ku wajahan Puntland

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha oo Maanta ku wajahan Puntland
____________________________________________________________________________

Waxaa lagu wadaa in Maanta oo Khamiis ah in degaannada Maamulka Puntland uu u safro Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Safarka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ah mid looga jawaabayo baaqii dhawaan guddoonka Baarlamaanka Puntland kasoo baxay ee ahaa in Ergayga uu yimaado Puntland, isla markaana Caalamka uu tuso xaaladda abaareed ee kajirta degaannada Puntland.

Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la filayaa in markii uu tago degaannada Puntland uu Warbixino la xiriirta abaarta uu ka dhageysto Madax katirsan Maamulkaasi Puntland.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa booqan doono meelaha qaar oo dadka kunool ay abaartu saameeysay si uu ugu kuurgalo xaaladooda.

Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa horay u tegay degmooyin ka tirsan Gobolada, Hiiraan, Gedo iyo Baay, halkaas oo ay kunool yihiin dad kasoo barakacay Abaarta.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post