987 Views

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay Garoonka Doolow

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay Garoonka Doolow
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Sabsti   , March 21, 2020 —Wararka naga soo gaaraya Garoonka Magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Ammaanka Garoonka ay la wareegeen Ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Ciidankaan ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Ciidamo ka tirsan dowladda oo bilooyin ka hor la geeyay gobolka Gedo.

 

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidankan ay qeyb ka noqon doonaan Ciidamada sugi doona Ammaanka Dollow.

 

Ciidankaan ayaa la sheegay in ay shalay kasoo talaabeen xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa horay garoonka dollow uga la wareegtay Ciidanka maamulka Jubbaland kadib markii khilaaf uu soo gala dhex galay maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment