531 Views

Garaadka Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad oo si adag uga jawaabay hadalkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Garaadka Beesha  Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad oo  si adag uga jawaabay hadalkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
____________________________________________________________________________

Arbaco: JANUARY 4, 2023

Garaadka guud ee Beelaha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad ayaa si adag uga jawaabay hadalkii shalay  kasoo yeedhay hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Wuxuu sidoo kale garaadku ka hadlay arimo kala duwan.

Ugu horayn wuxuu dul istaagay dhibaatada ciidanka Somaliland, isagoo xasuusiyey madax dhaqameedkii dhowaan ka hadlay Hargeisa in suldaan kasta ciidanka beeshiisu uu ka mid yahay  kuwa dhibaatada ka wada magaalada Laascaanood.

Garaadku Isagoo ka hadlayey hadalkii Muuse Biixi ayuu tilmaamay inuu ka dhigan yahay “Nin indhaha Caruur ka saaray, oo markii loo soo gurmaday isagoo dacwo  noqday oo yidhi “Markii aan indhaha ka saarayey dhibaato Ayaan ka maray”.

Garaad Jaamac Sidoo kale wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkii muuse kusoo xigtay dadka kasoo jeeda Beesha Daarood oo keli ah, kuwaasi oo ka hadlay arinta Laascaanood, Xili ay Soomaali oo dhan ka hadashay kan damqatay, wuxuuna tilmaamay inay muujinayso colaada iyo nacaybka gaarka ah ee ka buuxa Muuse isagoo ay dhinac joogaan Beeshiisu.

Bulshada Soomaaliyeed ayuu garaadku uga digay inay shacabka Laascaanood ugu yeedhaan inay ka tirsan yihiin Somaliland,  Wuxuu xusay in maamulkaasi ay leedahay beel gaar ah, wuxuuna usoo jeediyey in loogu yeedho deegaanada Beesha dhulbahante, ama SSC  Khaatumo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post