1242 Views

Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Saraakiishii kacdoonka Hiiraan

Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Saraakiishii kacdoonka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigaanka Hirshabeelle ayaa la kulmay Korneyl Nuur Dheer Xildhibaan iyo saraakiil kale.
Korneylka oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliiska Dowladda Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha ka raali galiyay qatafkii yaraa ee ka dhacay waxaa uuna balan qaaday inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha. Dhanka kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyay imaansha uu u yimid waxa uuna aqbalay raali galint

Madaxweynaha ayaa xaliyay dhamaan tabashooyinkii jiray waxa uuna sii wadi doona la kulanka bulshada iyo inuu qanciyo cidwalba oo tabasho qabto.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post