1011 Views

Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen oo bilaabay inay xir xiraan Soomaalida doonaysa inay uga sii gudbaan Yemen dalka Scuudiga.

Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen oo bilaabay inay  xir xiraan Soomaalida doonaysa inay uga sii gudbaan Yemen dalka Scuudiga.
____________________________________________________________________________

 5- Marso, 2021

Hay’adda Burgen oo ka howlgasha wadamo badan gaar ahaan kuwa faqriga ay la dageen ayaa sheegtay in Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen ay sameenayaan Talaabooyin ay ku xir xirayaan Soomaalida doonaysa inay uga sii gudbaan Yemen dalka Scuudiga.

Xarumaha sirta ah ee xabsiga u ah Xuutiyiinta waxaa ku jira Soomaali badan sida ay hay’adda sheegtay kuwaasi oo dhibaato kala kulmaya kooxdaan dagaalka kala soo horjeeda dowladda Sharciga ee Yemen.

Burgen waxa ay tilmaamtay in Soomaalida lagu xujeeyo inay bixiyaan lacago madax furasho si ay u gaaran dalka Sacuudiga.

Socdaalka safar ee dhinaca Waqooyi ee Yemen ayaa ah mid aad u adag marka ay qorshayaashaasi ay diyaarinayaan kuwa dadka ka tahriibiya Yemen si ay u geeyaan dadka soodinta Sacuudiga ee Yemen uu la wadaago.

Tahriibayaasha Soomaalida iyo kuwa kasoo jeeda Ethiopia ayaa ah kuwa ugu badan ee bada cas uga gudba Yemen iyagoo gaaraya Dhinaca degaanda waqooyi oo Xuutiyiinta gacanta ku hayaan halkaas ay doonayaan inay Sacuudiga kaga sii gudbaan.

Soomaali badan ay ku adkaatay inay ka safraan dhinaca waqooyi ayaa lacago ku bixiya sidii Koofurta ay u gaari lahaayeen markaasi oo si lamid ah laga qaadayo lacago badan.

Sanadkii laso dhaafay aad ayuu u yaraa dadkii biyaha ku safri jiray si Yemen ay u gataan iyagoo shaqo ka raadinaya Sacuudiga maadama ay jirtay cudurka Covid-19 oo wadamo badan awgiisa ay xuduudaha u xirteen.

 Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post