366 Views

Wasiirada Warfaafinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Masar

Wasiirada Warfaafinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Masar
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 21, 2022

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Mudane Biixi Iimaan Cige oo shirar kala duwan u yimid Masar ayaa soo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Masar , waxaana kusoo dhaweeyay Safiirka J.F.S ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar, Diblomaasiyiinta iyo Hawl wadeenadda Safaaradda.

Safiir ayaa si faahfaahsan Wasiirada uga warbixiyay xogta iyo adeegyadda ay safaaradda bixiso, isagoo u soo bandhigay Hanaanka daahfurnaanta leh ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar loogu adeego.

Labadda Wasiir ayaa si wadajir ah ugu bogaadiyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar waxqabadka iyo horumarka cajiibka ah ee ka socda Safaaradda, iyagoo ku amaanay inu Safiirka si daahfuran Umadda Soomaaliyeed uga faa’ideeyo deeqaha Waxbarasho ee dowladda Masar ay siiso Soomaaliya maadaama Safaaradda Masar ay tahay midda kaliya ee baraheedda bulshada kuso bandhigta deeqaha Waxbarasho isla markaana ku bixisa si siman oo cadaalad ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post