984 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo furay Shirka Wasaaradaha Maaliyada

Madaxweynaha Jubbaland oo furay Shirka Wasaaradaha Maaliyada
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 21, 2019 | QOL |   –Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goor dhow magaalada Kismaayo ka furay shirka Wasaaradaha Maaliyada Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ka dib markii Wasiiradda Maaliyadda ay shalay gelinkii dambe gaareen Kismaayo.

 

Shirkan ayaa looga hadlayaa maareynta maaliyadda dadweynaha iyo nidaamka deyn cafinta Soomaaliya.

 

 

 

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shirka ka jeediyay Khudbad dhinacyo kala taabaneysay oo ka hadleysay xoojinta Nidaamka Maaliyadda dalka iyo wada shaqeynta dowlada iyo maamul goboleedyadda.

 

Shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo heer wasiiro ah oo lagu qabto magaalada Kismaayo tan iyo markii dib loo doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dowladda Soomaaliya ay qaadacday dib u doorashadiisa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment