1458 Views

Galmudug oo soo saartay cabasho ka dhan ah Dowladda Soomaaliya

Galmudug oo soo saartay cabasho ka dhan ah Dowladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 27, 2019–Dhawaan guddi ay dowladda Soomaaliya u xilsaray diyaarinta Arrimaha adeega xajka ayaa shaaca ka qaaday shirkadihii sanankaan ku guuleystay iyo lacagaha  sanadkaan xajka lagu tagayo,hayeeshee waxaa soo baxayay cabasho ka imaaneysay Maamul goboleedyada qaar.

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maamulka Galmudug Sheekh Cabdi Shakuur Macalin Ciise (Albadri) ayaa sheegay in Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya ay ka dalbadeen inay sanadkaan kusoo wareejiyaan qoondada Galmudug kaga soo aadeysa 11,500 ee Xujeyda sanadkaan Soomaaliya ka baxeysa ,balse taasi ay ka jawaabin.

 

Waxaa uu sidoo kale sheegay in guddiga kala saarista Shirkadaha qaadaya Xujeyda oo ay Magacaawday Xukuumadda Soomaaliya aan lagala tashan,taas oo meel ka dhac ku ah hanaanka federaalka,isla markaana ay u arkaan mid meesha ka saareysa wadashaqeynta Galmudug iyo Dowladda Federaalka.

 

Hadalkaan kasoo baxay Wasiirka Diinta iyo Arrimaha Awqaafta Maamulka Galmudug Sheekh Cabdi Shakuur Macalin Ciise(Albadri) ayaa daba socda Go’aano dhowr ah oo kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya oo ay diideen Maamulo uu ka mid yahay Maamulka Galmudug.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment