1107 Views

Munaasabadda Is dhex-galka Soomaalida iyo Turkida oo lagu qabtay Ankara

Munaasabadda Is dhex-galka Soomaalida iyo Turkida oo lagu qabtay Ankara
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 23, 2019 –Iyadoo Xiriir soo jireen ah uu ka dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, isla markaana muddooyinkii dambe Bulshada Soomaaliyeed ku soo badanaysay dalka Turkiga ayaa magaalada Ankara caasimadda dalka Turkiga waxaa lagu qabtay munaasabad Loogu magac daray is dhexgalka Bulshada Soomaaliyeed iyo Turkida.

Munaasibada waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, Xildhibaano ka socday Labada dal, Waxgarad, Ganacsato, Dhakhaatiir, iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada labada dal

Maamulaha Shirkadda Guuleed (Real State) Farxaan Maxamed Dhoore oo munaasabaddan ay soo qaban qaabisay Shirkadda uu maamulo ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay munaasabad noocaan ah ku qabtaan dalka Turkiga, kaasoo lagu xoojinayo Xiriirka labada shacab, wuxuuna xusay inay sii wadi doonaan.

Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana Sanadihii dambe qoyskiisu daganaa dalka Turkiga ayaa xusay in Dawladda Turkigu ay garab istaagtay Soomaaliya, islamarkaana dadkii Soomaaliyeed ee dalkeeda yimid lasoo dhoweeyay, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in la ilaashado xidhiidhka wanaagsan ee labada dhinac.

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga Amb. Jaamac Cabdullaahi Caydiid oo Munaasibada soo xidhay ayaa sheegay in Dawladda ugu dhow Soomaaliya ay tahay Turkiga, Islamarkaana uu ka dhexeeyo Labada dhinac Xidhiidh balaadhan, Wuxuu sidoo kale ka hadlay waxbaayaha Wanaagsan ee Bulshada Soomaaliyeed kusoo kordhisay dalka Turkiga oo ay kamid yihiin, Maalgashiga, iyo Arimo kale.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment