717 Views

Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo loogga dareerin doorashada

Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo  loogga dareerin doorashada
____________________________________________________________________________

 June 21 2021 

Deegaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaan maanta loogga dareerin doorashada guud ee dalkaasi ka dhaceysa.

Deegaanku wuxuu leeyahay 23 goob doorasho, wuxuuna kamid yahay 64 goob doorasho oo guud ahaanba dalka aaney ka dhaceyn wax doorasho ah.

Guddiga doorashada Itoobiya ayaa ku tilmaamey sababta dibu dhaca ku keentay doorashada ka dhici laheyd maamulka Soomaalida iney tahay dhanka saadka, iyo qalad ka yimid sawirada murashaxiinta ee lagu daabacey waraaqaha codbixinta.

Maamulada Soomaalida iyo Hararida maanta kama dhaceyso doorasho. Sidoo kale gobolka Tigreega wax doorasho ah kama qabsoomeyso, sababo amni xumo dartood.

Goob doorashooyinka aaney ka dhaceyn codbixinta waxaa lagu qiyaasaa 5%, tirada guud ee goobaha doorashada oo dhan 547 goobo

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post