1410 Views

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay Xarun dib u dhis lagu sameynaayo

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay Xarun dib u dhis lagu sameynaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 1, 2019 Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Degmada Shibis oo dib-u-dhis iyo ballaaran lagu sameynayo, si loogu adeego bulshada Caasimadda.

 

Guddoomiyaha oo munaasabadda dhagax-dhigga ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad weyn ay leedahay dib-u-dhiska lagu sameenayo xarunta degmada Shibis, shacabka ku noolna ay ka heli doonaan adeegyada ay uga baahan-yihiin Dawladsa Hoose. Isagoo xusay in ay ka go’an tahay daadajinta maamulka si loogu dhaweeyo shacabka.

 

“Si shacabka loogu dhaweeyo dawladnimada waxaa mar walba naga go’an in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud ee bulshada loogu adeegayay, idinka waxaa la idinka rabaa kaalintiina inaad qaadataan oo dib-u-dhiska dalkiina u istaagtaan ”.

 

Sidoo kale Maamulka Degmada Shibis ayaa sheegay in ay ka go’an tahay gaarsiinta shacabka adeegyadii kala duwanaa ee laga heli jiray degmada, isla markaana xarunta loo dhisi doono qaab casri ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment