867 Views

Madaafiic lagu garaacay Garoonka Muqdisho iyo Diyaaradihii oo is taagay.

Madaafiic lagu garaacay Garoonka Muqdisho iyo Diyaaradihii oo is taagay.
____________________________________________________________________________

Feb:19/2/2021  

Waxaa hakad ku yimid shaqadii ka socotay Garoonka Muqdisho, kadib madaafiic ku dhacday garoonka diyaaradaha iyadoo mid ka mid ah madaafiicdana uu  ku dhacday afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Lama oga qasaaraha ka dhashay Madaafiicdaasi Balse waxaa istaagay Duulimaadyadii saakay ka soo dagi lahaa Garoonka Muqdisho.

Sida ay muujinayaan muuqaalo laga soo duubay garoonka waxaa la arkayaa qiic ka baxayo qeybo kamid ah Garoonka Diyaaradaha.

Wararka aan la hubin ayaa sheegaya in waxa garoonka ku dhacay uu yahay hoobiye ay soo tuureen ciidamada Dowladda ee ku sugan jagbootiga laga ilaaliyo Garoonka ee ku yaalo meel aan ka fogeyn Isgoyska Nambar Afar.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Sidoo kale Madfaca ku dhacay Garoonka Aadan Cadde ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ay weerar kuso qaadeen banaanbaxayaal ay hoggaminayeen musharixiinta xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post