444 Views

Hooyo Hindi ah oo nafteeda halis u galisay ilmaheeda oo uu Shabeel soo weeraray

Hooyo Hindi ah oo nafteeda halis u galisay ilmaheeda oo uu Shabeel soo weeraray
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 7, 2022

Wargeyska The Time ee Hindiya, ayaa waxa uu ku waramay in Shabeelka uu ilkihiisa ku qabtey madaxa ilma yar, isagoo isku dayey inuu ka fara maroojiyo hooyadii, markaasoo hooyadii ay difaacday ilmaheeda, oo ay isku dayday inay la dagaallanto Shabeelka.

Dhawaqeeda gargaarka doonka ahaa, ayaa waxaa maqlay dadka tuulada ee halkaas ka ag dhawaa, kuwaasoo markiiba goobta soo gaarey, iyagoo wata ulo, bartiina ka eryay Shabeelkii.

Hooyada ayaa la sheegay in sanbabka uu dhaawac kasoo gaaray, jirkeeda qeybo kaloo kamid ahna ay ku yaallaan dhaawacyo kale, halka wiilkeeda uu madaxa ka dhaawacan yahay.

Dakhtar la hadlay BBC-da qeybta Hindida, ayaa sheegay in dhaawacyada ilmaha yar aanay halis ahayn, balse kuwa halista ah ay yihiin kuwa hooyada.

Dr. Misthi Ruhela, oo ku sugan magaalada Jabalpur, ayaa sheegay in hooyada iyo ilmaha yar lagu dabiibayo qeybta la dhigo dadka ay xaaladdoodu liidato, sidoo kalana la siiyay cirbadaha raabbiyada looga hortago.

Dhanka kale, weerarka Shabeelka, ayaa waxa uu walaac ku abuuray dadka tuulada.

Sarkaal keymaha ka shaqeeya, ayaa weriyayaasha u sheegay in caqabadda ugu wayn ee haysata waaxda uu ka shaqeeyo ay tahay in lasoo helo meesha uu joogo, lana soo qabto Shabeelka tuulada u soo tallaabay.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda oo lagu magacaabo, Sanjeev Srivastava, ayaa BBC Hindi waxa uu u sheegay in la diyaariyay qaabkii loo xaqiijin lahaa in Shabeelladu aanay uga soo baxsan seeraha ay ku jiraan.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post