1032 Views

Bangiga Aduunka oo Mallaayiin Dollar ugu deeqay Somalia

Bangiga Aduunka oo Mallaayiin Dollar ugu deeqay Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jimco   , March 6 , 2020 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay ka qeyb-galay munaasabad lagu qabtey Madaxtooyada Soomaaliya ayaa halkaasi ka sheegay in Bangiga Aduunka lacag dhan 45 malyan oo dollar kusoo shubay Bangiga Dhexe.

 

Waxaa uu sheegay Kheyre in lacagtaas ay Dowladda soomaaliya u adeegsan doonto arrimo ay kamid yihiin,horumarinta Arrimahaa Bulshada iyo in lagu dhiso kaabayaasha Dhaqaalaha dalka.

 

 

 

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in laba sano ka hor u Bulshada Soomaaliyeed u sheegay in la geli doono xilli Barwaaqao ah xilligaana ay barwaaqadii la sugaayey bilaabatay waa sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment