894 Views

Puntland oo shaacisay qabashada doorashada 10 ka mid ah kuraasta golaha shacabka

Puntland oo shaacisay qabashada doorashada 10 ka mid ah kuraasta golaha shacabka
____________________________________________________________________________

Axad: December 26, 2021

 Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa shaaciyay qabashada doorashada 10 kursi oo ka tirsan kuraasta xildhibaanada Golaha Shacabka ka soo gelaya deegaanada maamulkaas.

Waa kuraastii ugu horeysay ee golaha shacabka ee Puntland ay shaacisay inay qabaneyso doorashadooda.

Puntland ayaa galabta shaacisay inay ka qeyb galeyso shirka Golaha wadatashiga qaranka ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu iclaamiyey, kaas oo Muqdisho ka furmaya 27ka bishaan.

Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri, “Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo RW Maxamed Xuseen Rooble. Dowladda Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post