447 Views

Shir looga hadlayay Amniga oo ka qabsoomay Garoowe

Shir looga hadlayay Amniga oo ka qabsoomay Garoowe
____________________________________________________________________________

Talaado: June 14, 202

Shir uu guddoominayay Guddooomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland Axmed Yuusuf Taaran waxaa qeyb galay Guddomiyaha Gobolka Nugaal,Xeer Ilaaliyaha Guud,Gudoonka Maxkamadda darajada 1aad ee Nugaal, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, Sarakiisha Booliska Nugaal Iyo Masuliyiinta Dambi Barayaasha Booliska  ee (C.I.D).

Shirkaan intii uu socday waxaa lagu lafa guray wada shaqaynta Booliska Nugaal Iyo laamaha Garsoorka ee Puntland, waxaana warbixino looga dhagaystay taliyaasha Saldhigyada.

Taliyaha Qeybta Booliska Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay laamaha Garsoonka iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland siday u wada shaqeyaan isagoona sido kale faray taliyaasha saldhigyada in la dardar galiyo wadashaqaynta lamaha Garsoonka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post