1836 Views

Shabaab oo qabsaday gaari ay leeyihiin Ciidanka AMISOM

Shabaab oo qabsaday gaari ay leeyihiin Ciidanka AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho  23 Juunyo, 2018:Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa  wadada waxa ay u galeen kolonyo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika AMISOM oo kasoo baxay degaanka Balli doogle,islamarkaana kusoo jeeday Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa waxaa qabsaday dagaal culus xilli ay  maraayeen  aagga Degmada Afgooye gobolka Shabeellaha Hoose.

Intii uu dagaalku socday ayaa Shabaab waxaa u suurtagashay in ay gacanta ku dhiggaan mid ka mid ah Gawaaridda dagaalka ciidamada AMISOM.

Shabaab ayaa la sheegay in ay qaateen gaarigaasi dagaal ka dibna ay gubeen.

Sidda ay xaqiijiyeen maamulka gobolka Shabeellaha Hoose goobta uu Weerarku ka dhacay ayaa aheyd meel howd ah.

Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojiyay Weeraradda ay ka geysanayaan Wadada u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Baydhabo.

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment