1113 Views

Joe Biden oo baaskiil haddiyad u siiyay Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson

Joe Biden oo baaskiil haddiyad u siiyay Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson
____________________________________________________________________________

June 13 2021

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa baaskiil haddiyaad ahaan u siiyay Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson markii ugu horreysay ay ku kulmeen shirkada madaxda G7 uga socday dalka Ingiriiska.

Waxaa baaskiilkan la guddonsiiyay Boris Johnson sameysay shirkad ku taalla magaalada Philadelphia ee dalka Mareykanka, wuxuu ku qaatay sameyntiisa bilooyin.

Baaskiilka ayaa lagu xardhay midibo kala duwan oo isugu jiro gaduud, caddaan iyo buluuga.

Ra’iisul Wasaaraha UK ayaa inta badan lagu arki jiray waddooyinka London isaga oo kaxeynaya baaskiil.

Boris Johnson ayaa isagana dhawaan haddiyaad ahaan u siiyay Biden sawir muujinaya olole looga soo horjeedo addoonsigii Mareykanka.

Sawirka waxaa ka muuqdaa nin horey la addoonsaday oo qarnigii 19-aad horkacayay dhaqdhaqaaq ka dhan ah tallaabadaas.

Baaskiilka uu siiyay madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa sameysay shirkad lagu magacaabo Bilenky, waxaana ku howlanaa hagaajintiisa afar qof oo loo xil saaray.

Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa 23-dii bishii May la xiriiray milkiilaha shirkadda Stephen Bilenky wuxuu kala hadlay naqshadeynta baaskiilka iyo sidii uu usoo saari lahaa koofiyad u eg midibka baaskiilka taas oo u xirto qofka kaxeynaya, sida ay ku warrantay warbaahin kasoo baxda Philadelphia.

Waxaa la sheegay in kharashka ku baxay soo saarista baaskiilka uu gaarayo $1,500 oo doolar, waana saddex meelood meel qiimaha ugu hoseeyo ay shirkadda wax kusoo saarta.

Mr Bilenky wuxuu aqbalay codsiga uu usoo jeediyay madaxweynaha si u sare ugu qaado sumcadda shirkaddiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post