948 Views

Manchester United oo shaqada ka ceyrisay tabbabare Ole Gunnar Solskjaer

Manchester United oo shaqada ka ceyrisay tabbabare Ole Gunnar Solskjaer
____________________________________________________________________________

Axad: November 21, 2021

 Wararka laga helayo Kooxda Manchester United waxa ay sheegayaan in shaqada laga eryay tababarihii kooxdaasi, Ole Gunnar Solskjaer.

Kooxda Manchester United ayaa shaley guuldarro kala kulmay kooxda Watford oo uga badisay 4-1.

Manchester United ayaa kulamadii ugu dambeeyay laga badiyay, hal kulan ayay badisay toddobadii kulan ay dheeshay, waxay kaalinta 7-aad kaga jirtaa shaxda kala horreynta ciyaaraha horyaalka Ingiriiska.

Michael Carrick ayaa si kumeel gaar ah loogu magacaabay macalinka cusub ee kooxda ka hor ciyaarta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post