633 Views

Abiy Axmed iyo hoggaamiyaha militeriga Suudaan oo ka wadahadlay dagaalka labada dal

Abiy Axmed iyo hoggaamiyaha militeriga Suudaan oo ka wadahadlay dagaalka labada dal
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 6, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo hoggaamiyaha militeriga Suudaan Janaraal Cabdel Fataax Al Burhaan ayaa ku heshiiyay si nabad ah loo xalliyo muranka in muddo ah ka taagnaa xuduudda labada dal ee horseeday dagaalka.

“Waxaan labadeena ku heshiinay in labada dal ay isla meel dhigeen tallaabooyin iskaashi ah oo ay si nabad ah uga wada shaqeynayaan arrinta” ayuu yiri Abiy oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Abiy wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Labadeena waxaana naga go’an wadahadal iyo in xal nabadeed lagu xalliyo arrimaha taagan”

Hoggaamiyaha militeriga Suudaan ayaa dhinaciisa sheegay in kulanka uu ahaa mid miro dhal ah oo lagu guuleystay.

Wadahadalladan ayaa imaanaya xilli dhawaan uu dagaal ka dhacay deegaanka Al Fashaqa oo ay ku muransan yihiin Suudaan iyoItoobiya.

Suudan ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay dileen isla markaana ay qabteen ciidamo u dhashay Suudaan balse Itoobiya ayaa warkaas beenisay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post